Duqa Muqdisho oo ku baaqay in la garab istaago wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Tuesday, Aug 8, 2023 | 174 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay abaabulka xooggan ee la dagaalanka ‘AS’ ayaa ku baaqay in guud ahaan taageero xooggan loo muujiyo howlgalka wajigiisa labaad ee dhowaan Dowladdu sheegtay in uu billaabanayo.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii qof weliba uu doorkooda uga qayb qaadan lahaa doorkooda uga furan sida Dhaqaalaha, garab istaagga ciidamada iyo dhiirragelintooda waa sida uu hadalka u dhigay Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Yuusuf Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ka maamul ahaan doorkooda ay ka qaadanayaan loona baahan yahay Shacabka Caasimadda ku sugan in sidaas oo kale fadhiga ka kacaan waa sida uu yiri.

“Dagaalka waala aaday oo Waxaa la iska rabaa in aan is weydiino doorka aan uga qayb qaadan karno, wax kale haddii aad waysid waxaa uga qaybqaadan kartaa Baraha Bulshada, Jeeb oo aan hanti ka dhiibto oo askariga dhimanayo ama dhaawacmayo in aad wax siisid ayaad awooddaa, sidoo kale waxa aad bixin kartaa raashinka la siinayo askarigaas furinta ku sugan ee naftiisa huraya” Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorshe xooggan oo garab istaag loogu muujinayo howlgalka wajigiisa labaad ee la dagaalanka ‘AS’ kaas oo abaabulkiisa socda, Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalkaan wajigii 1aad uu horseeday isbaddel amni oo caasimadda ka muuqda waa sida uu hadalka u dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response