Mareykanka oo wadahadal la furay Militariga Afgambiga ku qabsaday Niger.

by admin | Tuesday, Aug 8, 2023 | 122 views

Mareykanka ayaa wadahadal la furay militariga afgambiga ku qabsaday talada Dalka Niger ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika si uu u kala ilaaliyo in ay xiriir la sameystaan Kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wegnah ee Dalka Ruushka.

Diblumaasiyiin sare oo katirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay Militariga xukunka awoodda ku qabsaday ay u bandhigeen sidii Madaxweyne Maxamed Bazuum dib loogu celin lahaa awoodda maamul lana ilaaliyo dimuqraadiyadda iyo dastuurka dalkaas.

Mareykanka ayaa isku dayaya in uu gaashaan u noqdo Niger haddiiba Militariga xukunka xoogga ku qabsaday uu ka weecanayo dhanka Ruushka ama kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee garabka siinaya Moscow.

Militariga afgambiga sameeyay ayaa qudhiisa ka cararaya in culeyska uga imaanaya Ururka ECOWAS oo sheegay in uu xayiraad kusoo rogayo isla markaana ka qaadi doonno tallaabo militari, taasi waxa ay keentay in la xiro Hawada Niger.

Like it? Share it!

Leave A Response