Booliska oo digniin adag kasoo saaray Amniga Muqdisho

by admin | Thursday, Jul 18, 2019 | 741 views

Taliska ciidanak Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ku saabsan dhanka Amniga oo ku socota qaar ka mid ah gaadiidleyda ku nool Magalada Caasimadda Soomaaliya ee muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in sababo amni aawgeed in  wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay in la dhigo Baabuurta (parking)..

“Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan”.

Sidoo kale taliye Zakiya ayaa sheegtay in hay’adaha Amniga soomaaliya ay la wareegi doonaan Gaadiidkii meel la iska dhigo,waxaana ay Shacabka ku nool gobolkan Banaadir  u gu baaqday inay la Shaqeeyaan   lamaha Amniga Soomaaliya.

“ Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga”.

Si kastaba  hadalkaan kasoo baxaya taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa imaanaya xilli inta badan shaki uu ka dhasho gaadiidka la iska dhigo hareeraha wadooyinka taas oo sababta in isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay hakad galaan.

Like it? Share it!

Leave A Response