12 qof oo ku geeriyootay Japan

by admin | Thursday, Jul 18, 2019 | 748 views

Ugu yaraan 12 qof ayaa geeriyootay ku dhowaad 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhisme ballaaran oo ku yaalla magaalada Kyoto ee dalka Japan.

Xarunta uu dabku qabsaday waxaa lagu sheegay inay ahayd goob lagu diyaariyo muuqaallada la hagaajiyo ee kartoonka.

Booliska ayaa warbixin horudhac ah ku sheegay in Nin 41-jir ah  lagu tuhunsan yahay inuu wax dareere ah ku buufiyey dhismaha Istuudiyaha oo ka kooban saddex dabaq, wuxuuna mid noqday ninkaa dadka ku dhaawacmay.

Like it? Share it!

Leave A Response