Booliska Puntland oo Gacanta ku dhigay eedeysane dil geystay

by admin | Saturday, Dec 10, 2022 | 315 views

Ciidanka Booliska Gobolka Bari Oo Kashanaya Bulshada iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Cidamada ayaa Gacanta Kuso Dhiigey Gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen oo Dil u geestey Marxuum Mohamed abdirashiid Abdirahman Tariikhda Markay ahayd 11 /11/2022 .

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa
Bulshada la wadaagay In gacan ku dhiiglaha Uu Ku jiro Gacanta Ciidamada lana horkeeni doono Sharciga .

Taliyaha ayaa Sido kale Bulshada ugu baaqay cid kasta oo isku dayda Khalkhal amni darro iney Sameyso iney ku danbeyn doonto Gacanta amniga Sharciga La horkeeni doono .

Taliye C/qaadir Ayaa umahadceliyey Bulshada oo qeyb ka ahaa Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha

Like it? Share it!

Leave A Response