Booliska Somalia oo bilaabay baaritaanka weeraradii ka dhacay Muqdisho

by admin | Friday, Aug 14, 2020 | 461 views

Dhowr degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay weeraro loo adeegsaday bam-gacmeed.

Degmooyiinka Weeraradan ay ka dhaceen ayaa kala ah

1- Xarunta Degmada Dharkeenley

2- Xarunta Degmada Wadajir

3- Xarunta Degmada Waaberi

4- Waaxda Kordamac ee Degmada Dayniile

5- Waaxda Siinaay ee Degmada Boondheere

6- Waaxda Horseed ee Degmada Yaaqshiid

7- Xarunta Degmada Kaaraan

8- Waaxda Nageele ee Degmada Kaaraan

9- Waaxda Calasow Dheere ee Degmada Shibis.
Weerarka Garasbaaley waxaa ku dhaawacmay 2 ruux oo shacab ah, halka Boondheere qof shacab ah iyo 1 Askari ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in degmada Shibis lagu qabtay 2 ruux oo la rumeysan yahay inay geysteen weeraradii ka dhacay Shibis iyo Boondheere kuwaasi oo imika xiran.

Booliiska dowladda fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa wada baaritaano la xiriira weeraradaasi iyo howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay.

Muqdisho ma aha wax ku cusub in weerarada noocan ah ay ka dhacaan, balse waxay weeraradan ay kuwii hore kaga duwan yihiin in hal mar dhowr degmo lala beegsado weeraro loo adeegsaday bam-gacmeed .

Like it? Share it!

Leave A Response