Cumar Filish” Waxaan ka Shaqeyneynaa in doorasho qof & Cod ah ka dhacdo Muqdisho”

by admin | Friday, Aug 14, 2020 | 382 views

Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka Shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fursad siin doonto dadka ku nool Muqdisho si ay Codkooda ugu doortaan qofkii ay rabaan,isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iidysteen.

Doorashada dadban ayuu sheegay ay dadka qaar ku doonayaan inay xilalka siihayaan,taasina uu sheegay inaysan u wanaagsaneyn dadka Muqdisho,waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho loogana baahan yahay inay garab istaagaan.

Hadalkan ayaa Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) waxaa uu ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response