UK oo billowday barnaamij lagu kobcinayo caafimaadka haweenka iyo carruurta Soomaaliya.

by admin | Wednesday, May 1, 2024 | 22 views

Boqortooyada Midowday (UK) waxay daah-furtay barnaamijka ‘Nolol Wanaagsan’, oo ah qorshe caafimaad oo cusub oo lagu horumarinayo fayo-qabka haweenka iyo carruurta aadka u nugul ee Soomaaliya.

Mashruucan oo ay ku deeqday dowladda UK £38m ayaa si rasmi ah xarigga looga jaray xarunta safaaradda Britain ee Muqdisho, iyadoo mashruucan uu noqonayo mid wax ku ool u ah iskaashiga caafimaadka iyo nafaqeynta ee UK ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Nolol Wanaagsan” ayaa loo qorsheeyay in lagu bixiyo adeegyo caafimaad iyo nafaqo oo saameyn leh, oo ay ku jiraan tallaalka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, iyo daaweynta nafaqo-xumada iyo cudurrada carruurta ee caadiga ah sida shubanka iyo oof-wareenka.

Hindisaha ayaa sidoo kale diiradda saari doona xoojinta awoodda maamulka caafimaadka ee gobolka iyo degmada si ay si hufan ugu hoggaansamaan oo ay isku dubbaridaan bixinta adeegga.

Barnaamijkan oo ay fulinayso hay’adda UNICEF oo kaashanaysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa looga gol leeyahay in lagu dhimo tirada haweenka u dhimanaya uurka iyo dhibaatooyinka dhalmada iyo hoos u dhigidda heerka dhimashada dhallaanka ee nafaqo-xumada iyo cudurrada.

“Nolosha Wanaagsan” waxay la shaqayn doontaa la-hawlgalayaasha iyo deeq-bixiyeyaasha ay ka go’an tahay inay taageeraan caafimaadka Soomaaliya, sida Bangiga Adduunka, Sanduuqa Caalamiga ah ee La-dagaalanka AIDS-ka, Qaaxada iyo Duumada (GFATM), Gavi, iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee laba geesoodka ah.

Hindisaha ayaa lagu wadaa in lagu xaqiijiyo helitaanka adeegyada muhiimka ah ee daryeelka caafimaadka guud ahaan lix gobol iyo 15 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo la hiigsanayo in la gaaro afar milyan oo qof oo nugul marka la gaaro 2026-ka.

Wakiilka UNICEF Wafaa Siciid ayaa iftiimiyay caqabadaha ka jira Soomaaliya, isagoo yiri, “Dadaalka Soomaaliya ee lagu dhimayo dhimashada hooyada iyo dhallaanka waxaa cakiran colaadda daba dheeraatay iyo isbeddelka cimilada, kuwaas oo sababa barakaca dadka iyo cudurrada dillaaca.”

Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay barnaamijkan xoojinta nidaamka caafimaadka, waxaanu yidhi “Barnaamijkan waxa aanu ku xoojin doonaa awooda nidaamka caafimaad si uu u bixiyo adeegyada naf-badbaadinta, iyadoo mudnaanta la siinayo kuwa ugu nugul. Waxaan ku dadaali doonnaa in aan hubinno in taageero tayo leh la siiyo shaqsiyaadka la beegsanayo iyo in aan hooyo iyo ilmo laga harin.”

Like it? Share it!

Leave A Response