Taliyaha sirdoonka Turkiga Kalin oo kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya.

by admin | Wednesday, May 1, 2024 | 15 views

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) Ibraahim Kaliin iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, waxay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, sida amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA C/llaahi Maxamed Cali.

Bishii Febraayo, Turkiga waxa uu Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, waxaana ay siin doontaa taageero dhanka amniga badda ah si dalka Afrikaanka ah uu u difaaco baddeeda.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah dalka Geeska Afrika ayaa maalgeliyay waxbarashadiisa, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, waxaana uu siiyay kaalmo bini’aadantinimo oo ballaaran.

Turkiga ayaa safaaradda ugu weyn ee Afrika ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale halkaasi ka dhistay xaruntii ugu weyneyd ee ay ku tababari lahayd ciidamada qaranka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response