Fatahaado xooggan ayaa laga cabsi qabaa iney ka dhacaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kadib markii la sheegay in joogga biyaha webiga Shabeelle ee mara magaalooyinkaas ay sare u kaceen.
Wasaaradda arrimaha bani aaddanimada iyo ka hortagga masiibooyinka oo dhowaan war soo saartay ayaa ka digtay khatarta ka imaan karta webiga, iyadoo xilliyadii dembe dhulka buuraleyda Itoobiya ay ka da’ayeen roobab lixaad leh.
Digniinta wasaaraddu ay soo saartay ayaa lagu faray dadka hareeraha wabiga deggan iney muujiyaan feejignaan dheeraad, islamarkaana haddii ay suura-gal tahay ay alaabahooda badi kasii qaateen guryaha ay deganyihiin si haddii uu webiga fatahaad sameeyo aysan u saameyn.