Booliska Soomaaliya oo faafaahin ka bixi qaraxii ka dhacay Muqdisho.

by admin | Tuesday, Oct 17, 2023 | 104 views

Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo uu Xalay fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay Maqaaxida Blue Sky oo ku taala xaafada Xaawa taako ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa uu ku dhintay hal qof kaliya oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Muqdisho ee Teleefishinka Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur Qays, islamarkaama ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.

“Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho. Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Booliiska Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Agaasime Cabdifitaax Macalin Nuur Qays oo Maydkiisa la dhigay Mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa maanta lagu aasaya magaalada Muqdisho.

Qaraxa Ismiidaaminta ee Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo amaanka Muqdisho uu muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, kadib markii ciidamada dowladda ay kordhiyeen baarista Gaadiidka iyo dadka la socda si looga hortago qaraxyada iyo weerarrada kooxda Al-shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response