Boqolaal Muhaajiriin ah oo kusii jeeday Dal Yrub katirsan oo Nolol iyo Geeri lagu layahay

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 129 views

Hay’adda Samafalka Muhaajiriinta ee The Walking Borders waxay maanta oo Axad ah sheegtay in la la’ yahay ugu yaraan 300 oo Muhaajiriin ka soo shiraacday dalka Senegal, kuna soo wajahnaa Jesiiradaha Canary Islands ee dalka Spain.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay 3 doonyood kaga soo tahriibeen Tuullada Kafountine ee Koonfurta dalka Senegal oo masaafo ahaan 1700 KM u jirta Jesiirada Tenerife oo ka mid ah Jesiiradaha Canary Islands ee dalka Spain.

Helena Maleno oo ka tirsan Hay’adda Gurmadka Muhaajiriinta ee The Walking Border oo la hadashay Wakaallada Wararka ee REUTERS in Labo Dooni oo mid ay 65 qof la socdeen, halka tan kalena ay 50 ilaa 60 qof saarnaayeen la la’ yahay muddo 15 maalood, kadib, markii ay ka soo shiraacdeen dalka Senegal, Isku-daygooda ay ku doonayeen inay ku soo gaaraan Xeebaha dalka Spain.

Dooni Saddexaad oo ay la socdeen ilaa 200 oo qof ayaa la sheegay inay bishii hore ee June 27-dii ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Senegal.

Helena Maleno waxay tilmaamtay inay Qoysaska Muhaajiriinta la socday saddexda Dooni aysan warkooda maqlin, tan iyo markii ay ka soo shiraacdeen dalka Senegal.

Like it? Share it!

Leave A Response