Dhageyso:-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada Federaalka, Daraawiishta Hir-Shabeelle & Dadka Deegaanka ugu baaqay kordhinta dagaalka ka dhan ah AS.

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 172 views

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin Sufurow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka deegaanka ay wadaan howlgallo ka dhan ah AS.

Sufurow waxa uu tilmaamay in howlgallada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo guud ahaan lagu doonayo in ‘AS’ looga qabsado deegaannada ay weli ka joogaan Gobolkaas.

Saraakiisha Ciidamada howlgallada kawada Gobolka Hiiraan ayuu ku dhiirrageliyay sii kordhinta howlgallada isaga oo sheegay in doorka maamulka uu ka leeyahay arrintaan in ay ku garab istaagi doonnaan waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waajib muqadas ah oo idin saaran ayaad u istaagteen haddii aad tihiin Ciidamada Federaalka iyo Dadka Deegaanka, qurux & sharaf ayay ciidanka shahiiday ka tageen, waxa aan ku dardargelinayaa in ay kordhiyaan si looga hortago nimanka khawaariijta ah ee dadka shacabka ah baabi’inaya oo waxaa dhacday qoys hooyo saddex & carruur ay dhashay iyo aabe saddex carruur uu dhalay oo miino loo dhigay” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.

Waa uu sii hadlay waxaana uu sheegay in hakad yar uu ku jiro inta u dhaxeysa Baladweyne & Buulo burte isaga oo caqabadda ku tilmaamay in ay ‘AS’ marka duullaan lagu qaado ay ka gudbaan Webiga Shabeelle.

“Waxa aan rabaa in aan si cad u dul istaago gaab yar waxa uu ku jiraa meeshaan buulo burte iyo baladweyne inta u dhaxeysa, maxaa looga saari la’ yahay nimankaan Khawaariijta ah? Nimankaas marka loosoo xog dhammeysto ee Miyi iyo Magaalo laga diyaargaroobo webiga ayay ka gudbayaan, marka dadku waa danley marka beeraha & xoolihii la aadana way soo gudbayaan, in aanay markale dhici doonin ayaan ballanqaadayaa” Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Hir-Shabeelle iyo Dadka Deegaanka, sidaas oo kale waxaa abaabul wada ciidamo uu wato Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo sheegtay in uu ku dhawaaqay maamul.

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response