Ciidamada Federaalka iyo Daraawiishta DG Jubbaland oo howlgallo xooggan kawada Jubada Hoose.

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 91 views

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo xooggan ka billaabay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Ciidankaan ayaa si gaar ah uga howlgallaya deegaanno hoostaga Degmada Afmadow oo waxaa u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan deegaanno in ka badan 10 sano gacanta ku heysay ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay go’aan ku gaareen in ay beegsadaan tuulooyinka iyo deegaannada kale ku dhow Saldhigyada waaweyn ay ku leeyihiin Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Mas’uuliyiin katirsan DG Jubbaland oo booqday xeryaha ciidamada Federaalka & Daraawiishta ayaa saraakiisha ay la kulmeen kala hadlay dardargelinta howlgallada ka socda Gobolka Jubada Hoose iyo adkeynta amniga.

DANAB & Jubbaland weli ma faah-faahin khasaaraha ka dhashay howlgallada ka socda Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose maadaama tuulooyinka qaar isku dhacyo dhexmaray ciidanka iskaashanaya iyo ‘AS’ laga soo sheegay.

Like it? Share it!

Leave A Response