Boqolaal qoys oo Duleedka Baydhabo markale uga barakacay Roobka Dayrta.

by admin | Friday, Oct 13, 2023 | 106 views

Boqolaal qoys oo horay uga soo barakacay Abaarta, fatahaadda iyo colaadda ka jirta deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa markale dib uga barakacay deegaannadii ay degenaayeen muddooyinkii u dambeeyay.

Qoysaskaan oo aan haysan dhismo adag oo ay ka gabbaadsadaan dhibcaha roobka, Daadadka Xareedda iyo kuleelka maalintii oo lagu daray dhedada habeenkii ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday in ay raadsadaan meelaha ay u arkaan in ay naftooda ku badbaadsan karaan.

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa qaylo dhaan arrintaan ka dirtay iyada oo ka digtay in qoysaska barakaca sameeyay ay waji karaan dhibaatooyin kale sida in ay ku go’doomaan deegaannada ay saldhigan karaan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdinaasir Caruush iyo Guddiga ka jawaabista arrimaha degdega ah ayaa xaqiijiyay in qoysas badan oo barakacayaal ahaa ay sii barakaceen.

Caruush ayaa sheegay in roobabka xooggan ee Dayrta ah in ay halis badan abuureen iyada oo laga cabsi qabo in ay go’aan isu socodka isla markaana ay dumaan dhismaha Buundooyinka maadaama roobku aad u xooggan yahay.

Dhanka Caafimaadka waxa uu dhibaamiyay in halis kale halkaas ka jirto sababta ayuu ku sheegay in aanay jirin musuqo ama goobo dadka u isticmaalaan in ay ku saxaroodaan, halistaas ayuu tilmaamay in ay u baahan yihiin cid ka garaabta.

“Xeryaha Barakacayaasha waxa aan kusoo arkay biyaha xareedda oo fadhiya meelo badan oo weliba sii badanaya, Dadka waan wareysanay waxyaabaha ugu daran dhinaca cuntada, gabbaadka & waxyaabaha kale ay u baahan yihiin, ilaa 320 qoys ayaan siinay bacaha guryaha la saarto, Xog badan waan kasoo uruurinay, Roobabka soo badanaya waxa ay saameyn ku yeelanayaan Magaalada, Buundooyinka qaarkood waxa ay qarka u saaran yihiin in ay dumaan” Wasiirka Gargaarka Koofur Galbeed Cabdinaasir Caruush.

Qoysaskaan waxaa barakacooda sababay abaarta dalka ku dhufatay kaddib markii dhowrkii sano u dambeeyay aanay si buuxda u da’in Roobka, Colaadda oo saameyn ku reebtay deegaannadooda, xoolihii ay dhaqanayeen oo ay ka faramarin yihiin & xaalado kale.

Like it? Share it!

Leave A Response