Israaiil oo Kiimiko halis ah lana mamnuucay u adeegsatay Falastiin & Lubnaan.

by admin | Friday, Oct 13, 2023 | 91 views

Duqeymaha Israaiil ay ka geysaneyso Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin & deegaanno dhaca Koofurta Lubnaan ayaa la ogaaday in ay u adeegsatay Bambooyin laga sameeyay Kiimikada loo yaqaan Fasforoos (Phosphorus) gaar ahaan nooca midabkeedu yahay caddaanka.

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Huwan Right Watch ayaa sheegtay in xog-baaris lagu sameeyay duqeynta Israaiil ay geysatay 10 iyo 11kii Oktoobar 2023 ay adeegsatay Kiimikadaan halista badan keenta.

Waxaa sidoo kale la wareystay qaar kamid ah Dad dhaawacyo soo gaaray oo Kiimikadu jirkooda waxyeellada ay u geysatay ka muuqata, arrintaan ayay Hay’addu HRW ku sifeeyay halis ay u bareertay Israaiil in ay ku gumaado Falastiiin iyo Lubnaan.

Ciidanka Israaiil ayaa duqeyn aan loo meel dayin ku beegsaday Magaalada Gaza kaddib markii uu xannuun iyo niyad-jab ku gaaray weerarkii Falastiin gaar ahaan Xamaas ay kusoo qabsatay Maxaabiista badan isla markaana khasaaraha xooggan ku gaarsiisay Yuhuudda 7dii Oktoobar 2023.

Lama Fakih oo ah Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch dhinaca Bariga Dhexe & Waqooyiga Qaaradda Afrika ayaa yiri “Waa sharci darro isticmaalka Phosphorous, waqti weliba waxa ay Israaiil u adeegsadaa Goobaha Rayidka”.

Israaiil ayaa si aan ka gambasho lahayn waxa ay u shaacisay in ay dhulka dhigeyso Magaalada Gaza halka ay ku goodisay in ay beegsaneyo deegaanno kamid ah Lubnaan oo uu sheegtay in ay uga aargudaneyso weerarkii lagu beegsaday.

Like it? Share it!

Leave A Response