Qaramada Midoobay oo $15 milyan u qoondaysay maalgelinta gurmadka fatahaadaha Soomaaliya

by admin | Friday, Oct 13, 2023 | 155 views

Qaramada Midoobay (QM) ayaa 15 milyan oo dollarka Maraykanka ah u qoondaysay si ay uga qayb qaadato yaraynta saamaynta roobabka El Nino ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xidhka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA).

Gurmadka fatahaadaha ayaa lagu bartilmaameed-sandoonaa deegaannada halista ugu badan ku jira ee Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo taariikh ahaan soo maray saameynta ugu xun ee fatahaadaha, waxaana hadda la saadaalinayaa in tirada ugu badan ay halis ugu jirto fatahaadda webiyada, OCHA ayaa ku sheegtay warbixinteeda bini’aadantinimo ee ugu dambeysay oo ay soo saartay todobaadkan.

“Walaaca gaarka ah ayaa ah saameynta ay ku yeelan karaan daadad xooggan oo ka dhacaya magaalooyinka dadku ku barakaceen. Wada-hawlgalayaashu waxay qiyaasayaan in kala badh ka mid ah degsiimooyinka barokacayaashu ay ku yaalliin meelo hoose oo u nugul daadadka. Hay’adda OCHA waxay sheegtay in codsi dhaqaale oo dheeri ah la sameeyay si loo taageero waxqabadyada dadka lagu badbaadinayo.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, in ka badan 1.2 milyan oo qof oo ku nool dhulka webiyada ayaa halis sare ugu jira fatahaadda. Sidoo kale 1.5 milyan oo hektar oo dhul ah ayaa laga yaabaa in ay baaba’aan haddii roobabku ay noqdaan sidii la saadaaliyay.

OCHA waxay sheegtay in la-hawlgalayaasha bini’aadantinimo ay si dhow ugala shaqeynayaan maamulada  iyo heer qaranba diyaargarowga iyo wax ka qabashada si loo yareeyo saameynta xun ee fatahaada El Nino, ee la filayo Oktoobar iyo December.

Like it? Share it!

Leave A Response