Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

by admin | Friday, Oct 13, 2023 | 118 views

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa socda shirkii afraad ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka sida USA, UK, Qatar, Turkey, iyo Imaaraadka Carabta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, arrimaha bini’aadantinimada, iyo istaraatiijiyadaha lagu gaari karo nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirka si weyn looga hadlayo dhimista ATMIS-ka iyo dadaallada la dagaalanka Argagixisada.

“Iyadoo ay ka soo qeyb galeen Qatar, UAE, UK, Turkey iyo USA, waxaa magaalada Ankara lagu qabtay shirkii 4-aad ee Quint Soomaaliya. Hawlgallada/Istaraatiijiyadda la-dagaalanka Argagaxisada, Kala-guurka ATMIS, Xasilinta, iyo Shir-weynaha soo socda ee horumarinta laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa ugu sarreeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda uu kulankaan u leeyahay dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka isagoo sidoo kale qiray inay garab taagan yihiin.

“Quint-ku wuxuu sii ahaanayaa mid faa’iido leh oo aan looga maarmi karin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada muhiimka ah ee amniga caalamiga ah,” ayaa lagu daray qoraalka.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar, Maxamed Bin C/casiis Bin Saalax, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la taageero sidii loo aqoonsan lahaa dadaallada ay Dowladdu ugu jirto wax ka qabashada arrimaha ammaanka. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Qatar ay diyaar u tahay in ay taageerto qorshe kasta oo wada xaajood ah oo lagu hormarinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Sheikh Shakhbut bin Nahyan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, ayaa mar kale ku celiyay in Dowladiisa ay ka go’an tahay inay Somaliya ka taageerto amaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Like it? Share it!

Leave A Response