Boqorka Urdun oo Dambi dagaal ku sifeeyay in cuntada, Biyaha & Korontada loo diido Falastiin.

by admin | Monday, Oct 16, 2023 | 96 views

Boqorka Dalka Urdun Cabdullaah Bin Al-Xuseen oo ku magac dheer (Cabdallaha 2aad) ayaa si dareen caro leh ku dheehan tahay uga falceliyay go’aanka biyaha, Cuntada iyo korontada loogu diiday Falastiin isaga oo ku tilmaamay dambi dagaal oo mudan in lagu ciqaabo ciddii falkaas sameysay.

Boqorka oo safar degdeg ah ku gaaray Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyada Ingiriiska ayaa kulan uu la qaatay Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak waxa uu ku wargeliyay in aanay indhaha laga daawan Karin dhibaatooyinka lagu hayo Falastiin.

Waxa uu meesha ka saaray in aanay marnaba dhici doonin in Dadka rayidka ah la go’doomiyo ama lagu sameeyo barakicin qasab ah si deegaannadooda ay u qabsadaan Israaiil taasina ay tahay arrin ka hor imaaneysa jiritaanka Bulsheed ee Falastiin.

Cabdallaha labaad ee Urdun ayaa soo jeediyay in wadajir loo diido ciqaab wadareedka lagu hayo Dadka ku sugan Marinka Gaza oo haddii aan laga garaabin xaaladdu ay gaari doonto meel aan waxba laga qaban Karin lagana hortago in dagaalku uu ku fido meelo ka nabdoon.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo dulmeereysanaya waddamada Carabta si uu u xoojiyo taageerrada Washington ay siineyso Israaiil ayaa waji-gabax kala kulmay qaar kamid ah Dalalkaas oo u gudbiyay falcelin ka duwan middii uu ka doonayay.

Like it? Share it!

Leave A Response