Faahfaahino kasoo baxaya weerar xoogan oo kooxda As ay ku qaaday deegaanka Yaaqbari weyne

by admin | Monday, Oct 16, 2023 | 115 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday oo Xalay kooxda Al-shabaab ay ku qaaday deegaanka Yaaqbari weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda ayaa weerarka ku qaaday fariisin ciidamo kuwa deegaanka ah ay ku leeyihiin deegaankaas oo uu hoggaaminaayo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya.

Weerarka qaraxyada kadib waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidanka deegaanka iyo kooxdii Shabaab ee weerarka ku qaaday fariisinka ciidanka ee deegaanka Yaaqbari weyne.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab ay iska caabiyeen si adagna uga hortageen, islamarkaana ay xubno badan ka dileen Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.

“Khawaariijtii na soo weerartay waan iska difaacnay oo jab xoogan ayaan gaarsiinay meydadkii ah ka carareen kooxda wali waxay yaalaan dhulka waana soo bandhigi doona” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in ciidanka deegaanka weerarka uu kasoo gaaray khasaare dhaawacyo ah, islamarkaana dhaawacyada la geeyay xerada ciidamada Danab ee deegaanka Ballidoogle, halkaas oo lagu daweynayo.

Weerarkaan kooxda Shabaab ay Xalay ku qaaday deegaanka Yaaqbari weyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo aroornimadii hore ee Shalay weerar noocaan oo kale ah ay kooxdu ku qaaday fariisin ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda ku leeyihiin deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud oo kooxdu sheegtay iney weerarkaas ku dishay ilaa 60 askari.

Like it? Share it!

Leave A Response