Bosaso: Xubno kamid ah Daacish oo ka warbixiyay sidii laamaha amniga Puntland ay kusoo qabteen

by admin | Saturday, Nov 4, 2023 | 147 views

Labo nin oo katirsn kooxda Daacish oo lagu qabtay magaalada Boosaaso, laguna xukumay xabsiyo dhaadheer, ayaa markii ugu horraysay kasoo muuqday warbaahinta, iyagoo ka hadlay qaabkii laamaha amnigu ay kusoo qabteen.

Salmaan Cumar Maxamuud oo ururka Daacish uga yimid magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in bishii August ee sanadkan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Salmaan wuxuu sheegay in laamaha amnigu ka shakiyeen markii uu isku qalday macluumaad ay Daacish taleefoonkiisa ugusoo direen si uu garoonka diyaaradaha ugagasoo gudbo.

Macluumaadkaas ayaa ahaa, inuu sheegto inuu abti u yahay nin nabadoon ah oo lagu balamiyay inuu ugu yimaado garoonka Bosaso, si uu usoo damiinto, ka dibna ugu waeejiyo Daacish.

Nabadoonka lagu balamiyay ayaa ka shaqayn jiray inuu hay’adaha amniga ka damiinto xubnaha Daacish ee lagu qabto garoomada diyaaradaha iyo kantaroolada.

Salmaan oo sheegay inuu horey uga tirsanaa culimada Tabliiqa, waxa uu sheegay in ay Daacish ku tashkiiliyeen inuu kusoo biiro, una soo safro magaalada Boosaaso, iyagoo usoo diray tikidkii uu kusoo bixi lahaa.

Ninkaan ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegay in maskaxdiisa laga dhaadhiciyay in Daacish ay yihiin dad diinta ka shaqeeya oo aan ku lug lahayn dilalka iyo lacagaha baadda ah.

Wuxuu sheegay markii la qabtay oo la xiray inuu qirtay inuu Daacish u socday, islamarkaana uu u yeeray nin saaxiibkiis ahaa, kaasoo 7 sano ka hor ku biiray Daacish.

Cabdullaahi Shire Aw- Yuusuf, isna wuxuu qirtay inuu sarkaal katirsan Daacish uu lacago kaga helo si uu ugusoo qaado shakhsiyaadka Daacish uga yimaada meelo ka baxsan Boosaso.

Bishii September, maxkamadda ciidamada sida ee Puntland ayaa 15 sano oo xabsi ah ku ridday Salmaan Cumar Maxamuud, halka Cabdullaahi Shire Aw- Yuusuf, lagu xukumay 5 sano.

Like it? Share it!

Leave A Response