Dagaal u dhaxeeya ciidanka Madaxtooyada Hirshabeelle iyo Danab oo ka dhacay magaalada Jowhar

by admin | Saturday, Nov 4, 2023 | 131 views

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Kumaandooska Danab iyo ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle.

Dagaalka u dhaxeeya labada ciidan ayaa ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, kaasoo lasoo warinayo in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle oo war kooban kasoo saaray dagaalka ayaa sheegay in ciidanka Danab ay weerar ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ciidanka Madaxtooyada oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u galbinayeen garoonka diyaaradaha Jowhar.

“Maleeshiyaadka danab ee fadhigoodu yahay Garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiidka Ciidanka Gaarka ah ee Madaxtooyada oo Airportka u galbinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo safar shaqo ugu socday Magaalada Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan u dhaxeeya ciidanka Madaxtooyada Hirshabeelle iyo kuwa Danab ayaa daba socda dagaal shalay ku dhexmaray gudaha magaalada Jowhar, kaasoo uu ku dhintay askari ka tirsana ciidanka Danab iyo qof shacab ahaa.
Guddoomiyaha Baarlmaanka Hirshabelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa sheegay in rasaas ay ku soo fureen ciidamada Danab isla markaana aysan ka fileyn in ciidamadii ilaalada ka ahaa garoonka gudihiisa ay rasaas ku soo ridaan kolonyadii uu la socday.

“Waa dhacdo uurkutaalo ah anigoo ku hadlaya magaca Hirshabele waan ka xunahay in ciidamadii ilaalada noo ahaa ay rasaas nagu soo ridaan.”ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in ciidamadii ilaalada u ahaa qaar ka mid ah ay ku dhinteen rasaastaas kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

“Qaar kamid ah xildhibaanadii Baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen,waxaan jawaab ka sugeynaa xukuumada federalka.”ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo muuqaa kooban oo la soo dhigey barta Maamulka Hirshabelle uu ugaga hadlay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Jowhar.

Iskahorimaadkan ayaa wararku sheegayaan inuu dabajoogo dagaal shalay ku dhex maray ciidamo ka tirsan Danab iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabelle gudaha magaalada Jowhar halkaasoo uu ku dhintey mid ka mid ah ciidamada Danab iyo qof rayid ah halka askari kale oo ka tirsan Danabna uu dhaawac culus soo gaaray. Ciidamada Danab oo saldhig ku leh garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee duleedka Waqoyi Magaalada Jowhar.

Like it? Share it!

Leave A Response