Roob dabeylo wata oo ka da’ay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool

by admin | Saturday, Nov 4, 2023 | 124 views

Roob dabeylo xooggan wata oo ka da’ay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa sababay in qoysas badan ay barakacaan, ka dib markii daadad uu keenay Roobka ay guryaha u galeen.

Xaafadda Buulow oo ka mid ah xaafadaha magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa wararka innaga soo gaaraya waxa ay sheegayaan, in ay halkaas uu saameen ku yeeshay Roobka ka da’aday sacaadihii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah dadka xaafadda oo la hadlay warbaahinta ayaa ka codsaday maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in ay gurmad la soo gaaraan, xilli ay sheegeen in qaar ka mid ah goobaha waxbarashada ay xirmeen.

Ma’uuliin ka tirsan maamulka magaalada iyo Odayaasha dhaqanka oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Roobka ayaa codsaday, in gurmad lala soo gaaro dadka Barakacyaasha ee saameenta ku yeeshay Roobka ka da’ay magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Guud ahaan gobollada dalka waxaa ka da’ay Roobka Deyrta, iyada oo Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ay soo saartay digniino la xiriiro fatahaado ka dhasha Roobabka.

Like it? Share it!

Leave A Response