Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo ansixiyay degmonimada lix degaan

by admin | Saturday, Nov 4, 2023 | 131 views

Madaxweynaha Dowlad Goboeedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo Qorsheyaasha howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, Warbixinta roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Hirshabeelle iyo halista fatahaadaha iyo dabeylaha elnino, Dardargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee caasimada iyo kan Magaalooyinka Hirshabeelle isagoo sheegay in deegaanada qaar ay ka socdaan abaabul shacab, oo dadka deegaanka isaga xoreynayaan Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud oo ku saabsan dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka la wadaagay golaha wasiirada, iyadoo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha hor keentay  Hindise Sharciyeed Degmooyin cusub loogu aqoonsanayo degaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah,

1- Ceelbaraf

2 -Alkowsar

3- Ceelcali

4-Jawiil

5-Halgan

6- Jiliyaale

Golaha Xukuumadda oo dood dheer ka yeeshay degmooyinkaan cusub ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku meelmariyay.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynyta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ayaa faahfaahin ka bixisay roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka danyarta ah, Wasiirka Gargaarka ayaa dhanka kale sheegtay in gudiga

Like it? Share it!

Leave A Response