DFS oo sheegtay in Ciidamada ammaanka ay la wareegeen ammaanka deegaanka Xananbuure

by admin | Saturday, Nov 4, 2023 | 145 views

Warsaxafadeed ka soo baxay dowladda kaas oo ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay si buuxda ula wareegeen ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo muddo ay isku hor fadhiyeen Maleyshiyo beeleed ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Saraakiisha lagu wareejiyey amniga deegaank Xananbuure ee gobolka Galgaduud ay soo saareen awaamir amniga lagu adkeynayo, kuwaas oo ay uga hortagayaan in markale uu halkaas ka qarxo dagaal.

“Waxaa laga Mamnuucay magaalada in Hub lagu dhex qaato marka laga reebo Laamaha Ammaanka, mas’uuliyiin ka socota Maamullada labada magaalo ayaa ku sugan magaaladaas iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Sidoo kale warka ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sii yiri, “Deegaanka waxaa Ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur dad tiro yar ayaa ku sugan waxaana ay odayaasha deegaanku soo dhaweeyeen talaabadda dowladdu ciidamada ku geysay halkaas.”

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay dhammaadka todobaadkii hore, waxa uu baaq u diray beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada; Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response