Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay xaalada dadka reer Falastiin

by admin | Saturday, Nov 4, 2023 | 139 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax aan laga aamusi karin ku tilmaamay xaalada ka taagan magaalada Qasa ee Cariga Falastiin.

Biixi oo ka hadlayay xuska sannadguurada 30aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa Dowladaha Reer Galbeedka ku dhaleeceeyay isgarabtaaga ay u muujiyeen danbiyada ay Israa’iil galayso.

“Madaxweynihii Maraykanka ayaa yimid oo is garabtaagay, Raysal Wasaarihii Ingiriiska ayaa yimid oo yidhi halkaa kaga wad, meeday cadaaladii, meeday wixii ay inoo sharaxayeen, saaka tiradu waxay maraysa 9,500 oo dhimasho ah, 70% ayaa caruur iyo dumar ah dadkaa dhintay” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in xalay oo kali ah la duqeeyay 3 isbitaal oo uu ku jiro mid Qaramada Midoobay leedahay, isla markaana ay 200 oo qof ku nafwaayeen, iyada oo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maraykanku uu ku suganyahay Israa’iil.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhamaan xuquuqdii aadanaha ee ay u doodi jireen Waddamada Reer Galbeedku, ay maanta soo afjarantay, oo anay jirin maanta.

“Waxa nasiib daro ah in inta waddamada awooda lahaa ee Carbeed ay ka hadli kari waayeen ay Koonfur Afrika oo aan Muslin ahayni, uu madaxweynahooda iyo baarlamaankooduba uu ka hadlay arrintaa oo uu diiday” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dad 10,000 ku dhaw ayaa ku dhintay magaalada Qasa muddo bil ku dhaw oo ay Israa’iil ku haysay duqayn aan kala sooc lahayn.

Like it? Share it!

Leave A Response