Brazil: Boqolaal ku dhimatay Biyo xireen kusoo dumay

by admin | Saturday, Feb 2, 2019 | 887 views

Sawiro naxdil leh oo la helay ayaa muujinaya biya xireen kusoo dumay koonfurta waddanka Brazil kaasi oo ku fatahay goob macdanta laga qodo, waxaana ku dhintay ama lagu la’yahay in ka badan saddex boqol oo qof.

Sawirada oo ay duubeen kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya daqiiqadi biya xireenku kusoo dumay maqaayad kofeega laga cabo oo ku dhex taalay shirkada macdanta iyo dhismooyinka ku yaala gudaha magaalada Brumadinho ee gobolka Minas Gerais.

Waxaa soconaya howlgal baaritaan ah oo lagu ogaanayo waxa dhlaliyay in biya-xireenkaasi soo dumo.

Goobta macdanta laga qodo ayaa waxaa iska leh shirkad lagu magacaabo Vale SA. Shilkaan ayaana ah kii labaad oo ka dhaca goobaheeda macdanta laga qodo saddex sano gudahood.

Shan qof ayaa loo soo xiray sababaha dhaliyay in biya-xireenku ku fataho goobta macdanta laga qodo.

Dacwad-oogyaasha dalka Brazil ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka lasoo xiray ay yihiin saraakiisha shirkada Vale, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay ka mid tahay waxka qabashada rukhsadaha saameynta deegaanka.

Shirkada Vale, oo ah tan ugu weyn caalamka ee soo saarta biraha ceeriinka ayaa sheegtay inay la shaqeyn doonto dacwadoogayaashaasi.

Weriyayaasha ayaa soo sheegaya in hanaanka bixiya digniinaha ee u xirnaa shirkada si uu u ugu diro digniinaha khatara dadka deganaa halkaasi uusan shaqeynin.

Dadka ku nool nawaaxigan ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xoogan xiligii biya-xireenku soo dumayay.

Tobanaan qof oo go’doomay, intooda badana ay dhoobo qarisay ayaa lagu soo samatabixiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahan maadaama wadooyinkii ay burbureen.

Sikastaba, shirkada Vale ayaa sheegeysa in sababta keentay in biya-xireenku soo dumo la baarayo.

Like it? Share it!

Leave A Response