Mahdi Axmed Xasan waa gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee degmada Afgooye, waxa uu eedemo culus u jeediyay gudoomiye ku xigeenka Dhanka maaliyada ee gobolka Shabeelada Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle.
Gudoomiye Mahdi ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee Gobolka Shabeelada Hoose uu gabay shaqadii loo igmaday taasi bedelkeedana uu ku mashquulsanyahay oogida dagaal beeleed.
Waxa kale oo uu ku eedeeyay in xitaa uusan waqtigiisa inta ugu badan uu gobolka uu gudoomiye ku xigeenka ka yahay uu ka maqanyahay, hadii uu joogana uusan qaban howlihii loo magacaabay ee maaliyada gobolka Shabeelada Hoose.
Gudoomiye klu xigeenka dhanka maaliya ee gobolka Shabeelada Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle weli ma uusan ka jawaabin eedeymahaasi culus ee loo soo jeediyay.