Burcad badeed Soomaali ah oo weeraray Markab Ganacsi

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 767 views

Koox Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la aaminsan yahay in ay weerareen Markab laga leeyahay Hong Hong ,kaasoo mareeyay  xeebaha bari ee Soomaaliya toddobaadkaan waxaana ay taasi muujisay khatarta joogtada ah ee burcad-badeednimada iyada oo hoos u dhac ku yimid tiradii dhacdooyinka Burcadbadeeda ee Geeska Afrika sanadyadii lasoo dhaafay.

Weerarku wuxuu dhacay Arbacadii, Oktoobar 16-keedii, markii koox ka kooban afar burcad-badeed oo ku hubaysan qoryaha AK-47 ,islamarkaana la socday donyar ay weerareen Markabka lagu Magacaabo MV KSL Sydney oo Maraayay meel 340 nautical miles u jirta Magaalada Muqdisho,islamarkaana ka baxsan xeebaha Soomaalia.

Warbixin kasoo baxday xarunta IMB ee la socota dhaqdhaqaaqyadda Burcadbadeeda ayaa lagu sheegay in markabkaasi uu halis galay ,laakiin ay iska caabiyeen Ciidamo Saarnaa ee ilaalada ka haayay.

Dhammaan shaqaalihii iyo waxyaabihii saarnaa Markab waa ay badqabaan sida ay xaqiijisay Shirkadda leh Markabka la weeraray.

Sarkaal ka tirsan Ciianka Midowga Yurub ee ka howlgalla Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuldareystay in la qabto kooxdii weerartay Markab oo ahed Burcadbadeeda Soomaali ah.

Weerarkii Arbacadii ayaa la aaminsan yahay in uu yahay dhacdadii labaad ee burcad-badeed ee laga soo sheego xeebaha Soomaaliya sannadkaan.

Bishii Febraayo, MT Leopard Sun, oo ah markab kiimikada qaada oo laga leeyahay Singapore ah, ayaa waxaa soo weeraray burcadbadeed hubeysan ku dhowaad meel u jirta  160nm xeebta bari ee Soomaaliya, laakiin weerarkaasi waa uu guuldareystay Markii Ciidanka Ilaaladda Markabka ay la dagaallameen Burcadda.

 

Like it? Share it!

Leave A Response