Madaxda Maamul goboleedyada oo ku shiraya magaalada Garowe

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 821 views

Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu shir uga furmo magaalada Garowe, kaasoo ahaa mid horay loo qorsheeyay.

Shirka Garowe oo la filayay inuu dhaco 10-ka bishan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay, waxaana shirkan la sheegay in looga tashanayo aayaha dalka iyo xaalada uu dalku marayo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ee shirka ka qeyb galaya ay gelinka dambe ee maanta tagi doonaan Garowe.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo ayaa la filayaa in safar dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Garowe.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa iyana diyaarad ku tagi doona Garowe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la fileyn inuu ka qeyb galo shirkan, maadaama uu horay uga baxay go’aankii Maamul goboleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo bishii hore ee September, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Shirka Maamul goboleedyada ku yeelanayaan Garowe ayaa ku soo aaday xilli kala guur ah oo qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada uu muddo xileedkooda yahay mid gabogabo ah, sida Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo ku soo fool leh doorasho bisha soo socoto, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa isna waxaa xilka uga haray muddo 80 cisho ah.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ah mid sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response