Dowladda Sacuudiga oo xaqiijiyay geerida Wariye Jamaal Kashoggi

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 849 views

Dowladda Sacuudiga ayaa markii u horeysay xaqiijisay geerida Wariyihii la la’aa Jamaal Kashoggi, kaasoo la baadigoobayay nolol iyo geeri tan iyo markii 2-dii bishan October uu galay dhismaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa shaaca ka qaadya in Jamaal Kashoggi uu u geeriyooday dagaal ka dhacay gudaha Qunsuliyadda, waxaa la sheegay inay dagaalameen isaga iyo dad joogay gudaha Qunsuliyadda.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegtay inay shaqada ka eriday Taliye kuxigeenka Sirdoonka Axmed Al-Assiri iyo La Taliyaha gaarka ee Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sheegay in illaa 18 qof loo xiray arrintan, isla markaana uu socdo baaritaano dheeraa ah

Qirashada Sacuudiga ee dilak Jamaal Kashoggi ayaa soo afjareysa todobaadyo socday howlgalo lagu baadigoobayay, iyadoo horay Warbaahinta Turkiga ay u shaaciyeen in Mr Kashoggi lagu dhex dilay Qunsuliyadda.

Like it? Share it!

Leave A Response