C/raxmaan C/Shakuur oo ku hanjabay in doorasho aysan raali ka heyn ka dhaceyn Muqdisho

by admin | Monday, Nov 16, 2020 | 517 views

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin ay guddiga doorashooyinka Soomaaliya Ciidanka Nabadsugida kasoo xuleen si ay danahooda ugu fushadaan.

Waxaa uu sheegay C/raxmaan Cabdi Shakuur oo la hadlay Universal TV in sidoo kale qofkii doonaya in uu noqdo Xildhibaan in la marsiinayo Xarunta taliska Hay’adda Nabadsugida taasi ay tahay nasiib darro weyn lana aqbali doonin.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in uu shaki ka qabo cidda uu u Shaqeynayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, hayeeshee doorasho aysan ku qanacsaneyn aan lagu qabaneyn Muqdisho.

“ waxaa la yaab leh in Qof walba ee doonaya xildhibaan la marsiinayo Taliska hay’adda NISA oo ay taallo lacag ay Qatar ugu talo gashay in Xildhibaannada lagu soo saaro, balse Doorasho aan lagu qanacsaneyn Muqdisho kama dhaceyso taas anaa kuu balan qaadaya ayuu yiri  ” Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Madasha Xisbiyada Qaran & inta badan Xubnaha mucaaradka ayaa kasoo horjeestay gudiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka oo ay soo Magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble & Maamul goboleedyada, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle &Galmudug, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Madaxtooyada Soomaaliya & Ciidamada NISA.

Like it? Share it!

Leave A Response