QM & Dowladda Qatar oo ka wada hadlay Arrimaha Soomaaliya

by admin | Monday, Nov 16, 2020 | 348 views

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar ayaa la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay dib u eegeen xiriirka wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya Qaramada Midoobay & Dowladda Qatar eek u saabsan Arrimaha dalka Soomaaliya.

Qatar ayaa waxaa ay saameyn ballaaran ku leedahay siyaasadda Soomaaliya, waxaana ay taageero xoogan siisaa Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo halka QM ay Soomaaliya ka caawiso howlo dhowr ah.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Qatar ayaa sidoo kale Soomaaliya ka caawiyo arrimo dhowr ah oo isugu jira dhinacyada, Amniga, Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo dhinaca gargaarka Bani’aadanimada.

Like it? Share it!

Leave A Response