Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Kismaayo{sawiro}

by admin | Monday, Nov 16, 2020 | 469 views

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan oo dad badan lagu qabqabtay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada kismayao ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay howlgalalda ka sameeyeen inta badan xaafadaha Magaalada Kismaayo, waxaana Booliska Jubbaland ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamada Booliska Jubaland ay howlgalka ku qab qabteen dad Dhalinyaro u badan, kuwaas oo badi la siidaayay halka qaarkood la geeyay Saldhiga Magaalada Kismaayo.

Howlgalkan Ciidamada Booliska Jubbaland ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu daba socday kaddib dilal qorsheysan oo bilihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Kismaayo.

  

Like it? Share it!

Leave A Response