C/raxmaan C/shakuur “Waa filayay dowlad u hanjabtay Wariye Washignton jooga in aysan ka baxsan doonin kuwa Muqdisho…”

by admin | Wednesday, Apr 15, 2020 | 499 views

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa codkiisa ku biiriyay in xabsiga laga sii daayo Wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ahaa Agaasime kuxigeenka Warbaahinta Goobjoog, kaasoo shalay Ciidamada Booliska ku xireen Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu filayay in dowlad u hanjabtay Wariye jooga Washington in aysan ka baxsan doonin kuwa jooga Muqdisho.

“Waa la filayey dowladda u hanjabtay Wariye Washignton jooga in aysan kuwa Muqdisho jooga ka baxsan doonin, laakiin la isma lahayn Madaxweynaha ayaa bilaabi doona”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Mr Warsame ayaa sheegay in haddii Madaxweynuhu uu si shaqsi ah u heysto Wariye Gurbiye uu dacwad si shaqsi ah uga furan karo Garsoorka, balse awoodda fulinta kuma caburin karo Muwaadin Soomaaliyeed.

“Haddii uu Madaxweynuhu dhibsaday qaab dhigaalka qoraalka Wariye Gurbiye, waxay ahayd in uu dhibsado aflagaadada siyaasiyiinta, madaxda iyo maamulada dalka ee xaafiiskiisa laga maalgeliyo. Waxaa madaxweynaha haysta waa wado uu isagu jeexay iyo dhaqan uu horay u jideeyey.

Mar uu ka hadlayay arrinta ku saabsan mashiinka oksijiinka ee Madaxtooyada ka qaadatay Isbitaalka Martiina ayuu ku tilmaamay in aysan habooneyn in Madaxweynuhu shacabkiisa ka naf jecleysto, isagoo intaa ku daray in halkii ay doodu noqon lahayd heerka hoggaan ee Madaxweynuhu ka qaatay hawsha culus Karoona Fayris, in ay dooddii noqoto mashiinkii Madaxtooyad qaadatay iyo wariyihii sheegayna waa la xiray.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay ururada suxufiyiinta, bulshada rayadka ah iyo beesha caalamka, gaar ahaan dowladihii la damqaday wariye Haaruun in ay arrinkan meel kaga soo wada jeesadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response