Mid ka mid ah Ilaalada guriga lagu haayo Mukhtaar Roobow oo xalay la dilay

by admin | Wednesday, Apr 15, 2020 | 444 views

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah Ilaalada Guriga lagu haayo Mukhtaar Roobow xalay la dilay, iyadoo dilka uu ka dambeeyay askari kale oo ka mid ahaa ilaalada guriga.

Askariga la dilay oo lagu magacaabayay Aweys C/llaahi Xaashi ayaa ka mid ahaa Ciidamada NISA ee waardiyaha ka heysa xabsiga guriga la geliyay Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, haatan u xiran dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ka hor dilka uu muran dhex maray askariga la dilay iyo kan wax dilay, waxaana dhacdadan ay sababtay qalqal ku yimid ammaanka guriga Mukhtaar Roobow.

Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigtay askariga dilka geystay, kaasoo lagu wado in cadaalad la marsiiyo.

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku haya amniga guriga lagu haayo Mukhtaar Roobow oo sanadkii 2018 dowladda ka soo xirtay Baydhabo, kaddib markii uu ka mid noqday Musharaxiinta Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xilligaas dowladda Federaalka ka soo horjeeday musharaxnimadiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response