Fanaan Cumar Shooli oo ku geeriyooday Muqdisho

by admin | Wednesday, Apr 15, 2020 | 418 views

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), oo loo yaqiinay Madaalaha Hobollada Waaberi.

Geerida Cumar Shooli ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hobollada Waaberi iyo Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.

Cumar Shooli ayaa ka titsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee Hobollada Waaberi, waxuuna maalmihii lasoo dhaafay Fanaanku ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuumka ku geeriyooday ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yeldameri ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay lagu dabiibayey .

Ehellada Allaha u naxariistee Cumar Shooli oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dayacday Fanaankan oo ka tirsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi.

Like it? Share it!

Leave A Response