Gurbiye oo loo haysto kiis xasaasi ah oo madaxtooyada Somalia ay kusoo eedeysay

by admin | Wednesday, Apr 15, 2020 | 431 views

aamulka warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay xariga weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye loogu gaystay saldhigga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge Media ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Gurbiye uu xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Gurbiye lagu haysto qodobka 220 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Qodobkaas ayaa ka hadlay aflagaado iyo magac-dil lagu sameeymo mas’uul xil dowladeed haya.

Gurbiye ayaa shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini!

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Goobjoog

Maamulka Warbaahinta Goobjoog wuxuu la wadaagayaa dadweynaha Soomaaliyeed xariga sharcidarrada ah ee lagula kacay Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye una dhacay sida soo socota:

  1. Hoggaanka Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa la soo xiriiray Maamulka Warbaahinta Goobjoog xilli habeennimo si loo soo gaarsiiyo dacwad ka dhan ah weriyaha xorriyadda laga qaaday Mudane Cabdicasiis Gurbiye isla markaasna ku amray in xilligaas habbeennimo aynu tagno Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan.
  2.  Iyadoo hannaanka sharci ee u yaalla Dalka uusan ogolaaneyn in wixii ka dambeeya 06:00 fiidnimo – sida ku cad Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed – aanan qof la gaarsiin karin AMAR la xiriira xorriyad ka qaadis; haddana Maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyaga oo kalsooni ku qaba in hawlaheeda warbaahin ay u fuliso si aan ka soo horjeedin shuruucda Dalka, ayey u hoggaansantay farriintii la soo gaarsiiyey, waxaana durbadiiba Maamulka Warbaahinta Goobjoog iyo Tafaftire Cabdicasiis Gurbiye u dhaqaaqeen xilligaas iney ka soo garnaqsadaan cidda dacwadda u heysata.
  3. Waqti yar kaddib, Taliskii Booliska ayaa mar kale ina soo gaarsiiyey farriin kale oo nuxurkeedu ahaa inaan subaxa hore ee taariikhdu tahay 14ka Abriil aan tagno Saldhigga Booliska Hodan.
  4. Subaxdii 14ka bisha Abriil, Maamulka Goobjoog iyo Tifaftire Cabdicasiis Gurbiye waxa ay tageen Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. Mudo saacado ahna waxa ay ku xayirnaayeen xafiiska Saldhiga Booliska Hodan, iyaga oo aan la kulmin ciddii dacwada ka soo gudbisay. Markaas mudo yar kadib, waxaa Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Mudane Cabdicasiis Gurbiye lagu wargeliyey in uu u xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isla markiiba waxaa si sharci daro ah xorriyadiisii looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye.

HADABA, 

  1. Warbaahinta Goobjoog waxa ay si adag u cambaareyneysaa dhagarta loo dhigay weriye Cabdicasiis Gurbiye si looga qaado xorriyadiisa iyadoo aanan loo soo marin hannaankii sharci ee u degsanaa xorriyad ka qaadista iyo dacwad oogista ka soo horjeeda qofka insaanka ah, gaar ahaan muwaadinka Soomaaliyeed. 6. Warbaahinta Goobjoog waxa ay sidoo kale u cambaareyneysaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud oo soo maleegay dhagarta xorriyadda looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye, xafiiskaas oo awoodiisii u adeegsaday si ku takrifal ah oo hareermarsan Sharciga Dalka, isaga oo ugu adeegaya dano gaar ah.
  2. Warbaahinta Goobjoog waxa ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay tahay sharci daro hareermarsan dhammaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka uu leeyahay.
  3. Warbaahinta Goobjoog wax ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay qayb ka tahay olole qorsheysan oo lagu caburinayo warbaahinta dalka iyo guud ahaan xorriyada hadalka iyo afkaarta.
  4. Sidaa daraaddeed, waxa ay Goobjoog ugu baaqeysaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in Weriye Cabdicasiis uu dib u helo xorriyadiisa, si degdeg ahna looga sii daayo xabsiga.

Gunaanad =

Like it? Share it!

Leave A Response