Cabdi Rashiid Janan” Farmaajo & Fahad Yaasiin waxaan ka diiday in Beelaha Jubbaland dhexdooda leysku diro”

by admin | Sunday, Nov 29, 2020 | 340 views

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cadirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa ka sheekeeyey wada-hadallo gooni gooni ah oo uu la yeeshay  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wasiir Janan oo weli baxsad ka ah dowladda Madaxweyne Farmaajo, isaga oo wareysi siinayay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo ku sugan Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in Kenya uu kula kulmay Taliyaha Hay’adda NISA, isla markaana uu u sheegay in uu doonayo in uu arrin kala hadlo, balse ka hor ay meesha ka saarayaan warqad waaran dacwadeed ah oo horay dowladda Soomaaliya ay uga gudbisay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in safar deg deg ah uu ku yimid Magaalada Muqdisho, isla markaana xilli habeen ah uu la kulmay Madaxweyne farmaajo ayan ka wada hadleen doorashooyinka Jubbaland, Madaxweyne Farmaajana uu ka codsaday in uu kala Shaqeeyo, hayeeshee uu ka diiday.

“  Waxaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ii soo baxday in uusan diyaar u aheyn in uu la heshiiyo Axmed Madoobe, waxaa ii soo baxday khatar ah in  Shacabka Soomaaliyeed ee hal qoys isku ah oo degan jubbaland in la isku diro oo dhibaato ka imaan karto shaqsiyan, waxaana u sheegay in arrintaasi sax aheyn asigana dani ugu jirin ayuu yiri” Wasiir Janan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in jubbaland ay degan yihiin 36 Beelood ayna suuratagal aheyn in la iska horkeeno, sidoo kale Madaxweyne farmaajo  uu sheegay in uu weeydiiyay tallaabada uu qaadi doono hadii Axmed Madoobe ay doortaan 75 Xildhibaan oo ka kooban yahay Baarlamaanka Jubbaland uuna ugu jawaabay inay la Shaqeeynayaan balse Taliyaha NISA uu ii sheegay inay la dagaalamayaan Axmed Madoobe hadii la doorto taasina ay dhacday.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cadirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa waxaa horay u xiray dowladda Soomaaliya, hayeeshee la sheegay in uu baxsad, balse Wareysi uu bixiyay uu ku sheegay in garoonka Aadan-cadde uu ka dhoofay, waxaana Ciidamo ka amar qaadanayay Wasiir Janan dagaal looga saaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response