Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kulan la leh Madaxweynaha Puntand

by admin | Sunday, Nov 29, 2020 | 347 views

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, sidoo kalena ah Caasimadda Maamulka Puntland waxaa Maanga gaaray wafdi ka socda Xubnaha Beesha Caalamka ee tagerada siiya Soomaaliya.

Wafdiga oo ay kamid yihiin, Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD ayaa waxaa ay Xarunta Madaxtooyada kulan kula leeyihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wafdiga ka socda Beesha Caalamka & Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ay ka wada hadlayaan Arrimaha doorashooyinka iyo sida looga gudbi karo xaalada cakiran ee la xiriira doorashooyinka dalka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response