Dowladda oo Maamul Goboleedyada ku eedeysay dib u dhac ku yimaada doorashada

by admin | Sunday, Nov 29, 2020 | 344 views

Iyada oo weli aan la guda gelin doorashooyinka Soomaaliya welina uu jiro muranka la xiriira guddiga doorashooyinka ayaa waxaa xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeysay dowlad Goboleedyada dib u dhaca doorasooyinka dalka.

Wasiirka Warfaafinta dowladda  Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ka la’dahay qar kamid ah dowlad goboleedyada inay soo dhameystiraan xubnaha Guddiyada doorashooyinka Qaranka.

Wasiir Dubbe oo ka qeyb-galay Barnaamij dood wadaag ah oo ka baxayay Tv-ga Universal ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in gaabis kasta eek u yimaada doorashooynka Soomaaliya aysan mas’uul ka aheyn dowladda Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta dowladda  Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu muran ka taagan yahay guddiyada doorashooyinka, isla markaana ay tahay in doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ay dhacdo Bisha December oo maalmo qura ay ka harsan tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response