Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digey in Jubbaland loo aqoonsado deegaan cadow haysto

by admin | Thursday, Dec 3, 2020 | 363 views

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo cadaadis culus ku haayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo tilmaamay in uu ka doonayo in Rooble ku dhawaaqo in deegaanka Jubbaland uu cadaw heysto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayaa ka digey in loo aqoonsado Jubbaland meel uu cadow haysto.

“Waxaan Xog-sugan ku helaynaa in MW Farmaajo uu ku cadaadinayo RW Rooble in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xorreeynayo” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur.

“Haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Arrinta Jubbaland ayaa ka mid ah khilaafka ka jira qabashada doorashada xildhibaanada federalka iyo kuwa Aqalka Sare iyadoo dhowaan uu Madaxweynaha Jubbaland uu si kulul uga hadlay ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response