Maleeshiyaad dagaalamay oo la kala qaaday

by admin | Thursday, Dec 3, 2020 | 351 views

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan laba maleeshiyo beeleed oo  dhawaaan dirir ay ku dhax martay deegaan hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 5-aad qeyb 27-aad Kor Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) oo hoggaaminaayay dadaalkii nabadeed ayaa sheegay in talaabo adag CXD aay ka qaadi doonaan ciddii baal martaa heshiiska lawada gaaray.

Korneyl Baakaay ayaa carabka ku dhuftay in aay ku guuleesteen in xabbadda la joojiyo,in maleeshiyaadkii dagaalamay lakala qaaday iyo in muddo 7-cisho kaddib la isugu yimaado gogol nabadeed oo heshiiska hadda la gaaray inta hartay lagu dhameestiro.

Muddo ka badan 10-cisho ayay Ciidamada Dowladda u joogeen sidii aay u kala qaadi  lahaayeen maleeshyaadka labada beelood ee dagaalamaayay.

Like it? Share it!

Leave A Response