Cali Guudlaawe oo kulan la qaatay Jaaliyada Hirshabeelle ee Magaalada Nairobi

by admin | Wednesday, Feb 15, 2023 | 239 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xalay ka qeybgalay Munaasabad balaaran oo soo dhoweeyn ah oo Jaaliyada Hirshabeelle ugu sameeyeen Magaalada Nairobi ee dalkaan Kenya.

Ka qeybgalka Munaasabadaan oo Madaxweynaha ay ku wehliyeen wafdigiisa Wasiirada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xildhibaanka Yuusuf Xasan oo laga soo doortay degmada Kaamakuunji, Siyaasiyiin Aqoonyahano Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Masuuliyiintii ka hadashay munaasabadaan ayaa bogaadiyay dadaalada Madaxweynaha iyo halganka dib u xureynta ee uu hormuudka u yahay ee lagu xureeyay degmooyin iyo deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay jaaliyada Hirshabeelle ee Magaalada Nairobi soo dhoweynta balaaran oo ay u sameeyeen waxa uuna tilmaamay in la xoreeyay deegaano iyo degmooyin  ka tirsan Hirshabeelle, cadowguna jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaaladii lala galay dhowaana lasoo afjari doono kooxda khawaarijta ah ee alshabaab.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyada Hirshabeelle ee Magaalada Nairobi uga warbixiyay doorashooyinkii hufnaa ee ka dhacay Hirshabeelle iyo doorkii ay ka qaateen badbaada iyo ilaalinta dowladnimada oo halis gashay iyadoo ugu dambeyn ay dhacday doorasho la isla ogol ah,

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Jaaliyadaha Hirshabeelle inay garab istaagaan Ciidamada geesiyaasha ah ee cadowga ku baacsanaya dhulka howdka ah isagoo ku adkeeyay ilaalinta midnimadooda iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response