Saaxiibada Beesha Caalamka oo si Adag u Cambaareeyay Rabshadaha sii Socda ee Laascaanood

by admin | Wednesday, Feb 15, 2023 | 201 views

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen, saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaaliya ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee Laascaanood.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.

Sidoo kale, waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response