Cali Jeyte “Mar hadii aan waxba la isku ogoleyn ma dhici doonto in raali la wada ahaado, mana dayici doono dadkeyga”

by admin | Sunday, Sep 3, 2023 | 142 views

Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimo badan oo la xariira safarka madaxweynaha dowladda Fedaraalka, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo go’aankiisa siyaasadeed.

Madaxweyne Jeyte ayaa sheegay in Maxaas uu maanta tagi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana degmada ay ka socoto abaabulka dagaalka kooxda Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin bariga gobolka Galgaduud.

Cali Jeyte sidoo kale xusay in madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha uu Maxaas u imaanayo iney ka mid tahay xal u helida tabashada maamul ee dadka reer Hiiraan ay qabaan oo mudo dheer soo jiitameysay.

“Mar hadii aan waxba la isku ogoleyn ma dhici doonto in raali la wada ahaado, Soomaalidu waa dad wax isku darsaday, dowladnimada waxaan ku wada ilaasha karnaa inay dadka ka dhaxeyso” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Wuxuu sidoo kale si adag u sheegay Cali Jeyte Cismaan inuu fulin doono talaabo kasta oo ay raali ku yihiin taageerayaashiisa oo aysan dhici doonin inuu meel cidlo ah kaga dhaqaaqo.

“Dadka ku nool degmada Maxaas waxaan u balan qaadayaa inaan dayici doonin rabitaankooda, waa igu balan ilaahey inta aragtideydu la egtahay masiirkeeda inaan ku dagaalamo” ayuu yiri Jeyte oo fagaare ku yaala Maxaas kula hadlaayay dadweyne badan oo taageersan maamulkiisa oo halkaas kusoo dhaweeyay.

Cali Jeyte sidoo kale sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in waqti aanan fogeyn laga guuleysan doono kooxda Al-shabaab, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ciidamada ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Gabagabdii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro degmada Maxaas oo ay ku sugan yihiin ciidamadii ugu tirada badnaa iyo masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

Like it? Share it!

Leave A Response