Carruur Walaalo ah oo dhimasho & dhaawac ku noqday qarax Miino

by admin | Tuesday, Sep 6, 2022 | 297 views

Saddex Carruur ah oo kasoo baxay dugsi Qur’aan ayaa miino dhulka lagu Aasay kula qaraxday deegaanka Miir-caddo oo qiyaastii 45 Km dhanka Koofur bari ka jira magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah Carruurta ayaa geeriyooday halka laba kale na dhaawacooda la keenay Isbitaalka magaalada Baledweyne si loogu daaweeyo.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada Beledweyne ayaa qaraxaasi Miino ku eedeeyey inay Aaseen Ururka Al-Shabaab oo todobaadyadii la soo dhaafay guluf ka dhan ah uu ka socday Gobolka Hiiraan.

“Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka waday in wadooyinka Miinooyin u geliyaan dadka shacabka ah ama ay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay u dhibaateeyaan maadaama ay u bareeri waayeen in ay ka hortagaan weerarada dadka deegaanka oo garabsanaya ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka Magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan, iyaga oo ka careysan dadkii Shacabka ahaa oo dhawaan ay dileen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response