Al-Shabaab oo gubay Guryo kuyaalla tuulooyin katirsan G/Galgaduud

by admin | Tuesday, Sep 6, 2022 | 354 views

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in rag katirsan Ururka Al-Shabaab ay xalay weerareen tuulooyin hoostaga degmada Baxdo, Isla markaana ay gubeen Guryo ay daganayeen dad Shacab ah.

Maamulka degmada Baxdo ayaa xaqiijiyay Gubitaanka, waxaana Guryaha la gubay ay kuyaallaan Tuulooyinka kala ah, Biyo Days oo 15Km u jirta Dagmo Baxdo iyo Tuulada Meegaag Duub oo iyana Baxdo u jirta 18Km.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in ragga katirsanaa Al-Shabaab ee Guryaha gubay ay dib u laabteen, Isla markaana dadkii deganaa Guryaha la gubay ay yihiin kuwo banaan cidlo ah jiifa.

Tuulooyinka Guryaha kuyaallay qaarkood la gubay iyo degaano kale oo u dhow ayaa waxaa ka socda abaabul ay wadaan dadka degaannadaas oo is hubeeyay si ay ula dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response