Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Muqdisho

by admin | Tuesday, Sep 6, 2022 | 305 views

Dagaalka ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan  halka lagu magacaabo Cali agoon oo fariisin u ah Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya kadib markii la weeraray.

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen fariisiinka ay Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Cali Agoon ee degmada Hiliwaa, waxaana ku dhimatay Haweeneey Caano iibineysay oo markii hore uu soo gaaray dhaawac culus halka ay ku dhaawacmeen Haweeney kale oo Caano iibineysay & Cunug yar.

Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamadu ay saakay howlgallo ka wadaan xaafadaha u dhow dhow Saldhigooda la weeraray.

Inta badan habeenada qaar ayaa la weeraraa fariisimaha ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmooyinka, Hiliwaa, Yaaqshiid & Deeyniile, waxaana weeraradaas mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response