Carruur Walaalo ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Boosaaso

by admin | Wednesday, Jul 15, 2020 | 441 views

Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay Guri ay degan yihiin Qoys danyar ah oo ku yaalla Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,waxaana ka dhashay khasaro dhimasho ah iyo burbur hantiyadeed.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayana Dabka ay ku geeriyoodeen Afar Carruur ah oo saddex kamid ah ay walaalo ahaayeen,waxaa sidoo kale basbeelay Gurigii ay deganaayeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dabka uu ka kacay koronto Guriga ka dhalatay,isla markaana uu ku faafay Guryo kale,hayeeshee uusan khasaaro u geysan.

Gaadiidka dam-damiska Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso iyo kan mid kamid ah Shirkadda Isgaarsiinta deegaannada Puntland ayaa markii dambe ku guulaystay in ay demiyaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa tegay Guryaha uu dabka ka kacay, iyaga oo qiimeyn ku sameynaya khasaaraha guud ee ka dhashay dabkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response